Ethiopian News, Current Affairs and Opinion Forum
Somaliman
Member+
Posts: 5020
Joined: 09 Nov 2007, 20:12
Location: Heaven

Re: Breaking News: Somalia Expels Ethiopian Ambassador And Shuts Ethiopian Consulates In Somalia

Post by Somaliman » 08 Apr 2024, 17:43

Intaad sheegtoo dhami way fiican yihiin, balse waxaa ka horeeya waxaas oo idil, in wadan-ka loo sameeyo dastuur dhameystiran oo ay waxa ku qorani cad cad yihiin, la isku-na raacsan yahay, ka dibna afti dadweyne la galiyo. ka dibna hadii loo codeeyo dastuurkaasi, lagu dhaqmo, oo uu noqdo ka wadanka kala hagaya.

Xisbi dibad iyo mid gudaha lagu sameeyey, ciddii doonta ha ku jirtee wax uu kordhinayo lama arko. Kii prof Axmad Samatar iyo kooxdiisii ay aasaaseen ee Hii Qaran waa tuu meelna gaari waayey.

Wadamadaa reer galbeedka ee aad aragtee sidaa u nidaamsan, ma aha inay naga damiir wanaagsan yihiin, ama naga wadaniyad fiican yihiin, ee waxa ka la haya waa wax ay qorteen oo ay isku raaceen. Tusaale, ma kula tahay inuu Trump ka dagi lahaa madaxweynanimada haddii uu dastuurka mareykanku ahaan lahaa mid uu mugdmugdi badani ka buuxo, sida kan Soomaaliya!

Qu'aankaba Ilaah wuxuu u soo dajiyey inuu umadda kala hago. Wadan walbana dastuur dadkiisa kala haga waa u daruuri.

Ta kale, Soomaalidu sideedaba dad xun ma aha. Haddii wanaag loo horseedo, wey raacdaa oo u hogaansantaa. Cilladdu-se waxay tahay, ilaa intii ay dowladdii dhexe ee Siyaad ay burburtay, wali lama helin hogaamiye daacad ah, karti leh, wadaninimo leh, kana hufan qabiil iyo musuqmaasuq.

Post Reply