Zack wrote: ↑06 Jun 2023, 16:35
Somaliman wrote: ↑06 Jun 2023, 10:18
Zack wrote: ↑06 Jun 2023, 03:52
Oroomada waliga iska ilaali wa adoon u shaqeysa amxaarada waligood ba cidda kaliya ku shaqeysata wa amxaarada. qabiilo dhan oo oromo ah ayaa amxaaro sheegta oo wa kuwa addis ababa iy wollo ku nool wa gaali caadi orthodox
Mustage cagjar wuxu kaga duwanyahay kuwi hore wa nin wax bartay oo aqoonyahan ah wa nin jamaacaad ka baxay , itooobiya dhaqankeeda iyo siyasadeeda na si fiican buu u fahansanyahay. Oromoda dad aan is ku dhaqan nahay manihin wax inaga dhexea majirto isku dhaqan xita ma nihin iyo xeer toona. oromku dhaqan wuxu u leeyahay dawarsi somaligu waxa wu ka xiishoodu , oromku waxa weye waxay englisku u yaqan fulay ama coward dad hurda bu gawraca.., Jabuuti oromoda soo gala waan tarxiilna had iyo goorale. Kuma nassan karan
Dr Zackovich
Waxaan la yaabaa Faarax Macalin oo kale, oo ah nin wax bartay oo wax badan og, aanna runtii u arko inuu yahay qof ay Soomaalinimadu ku weyn tahay, haba u ciyaaro (niikiyo) kii uu markaas dan u arkee, misana ku leh Oromadu waaba Soomaali luntay. Oo xittaa ku leh lafta Hadaama ee Oromo (waxaan u maleynayaa malaha waxaa jirta laf Oromo ah oo la yiraahdo Hadaama) waaba laf Raxaweyn; waa lafta Raxaweyn ee Hadama, oo waa qaar Hadama ah oo beri hore ku lumay Itoobiya! Bal ka waran haddi kii wax bartay uu sidaa u hadlayo!
Waa runtaa Somaali iyo Itoobiyaan, qabiilkuu doono ha ka soo jeedo, shuqul isku mala laha. Itoobiyana waa cadowga soo jireen ee Soomaali.
Ta kale, Soomaalidu waxayba u haystaan in Oromadoo idili ay Muslin tahay, lamana socdaan in Oromadu dhul Soomaali sheegato iyo dagaaladii iyo xasuuqii ka dhacay Gaashaamo etc mar dhexdaasa ah. Soomaalidu waa dheg wey aan waxba hubsan.
Farax macalin dhibaatada haysata waxa weye cidi yahay ayanu garanayn isagu siyaasi kenya ah ayu waliba marba qof isticmalaya Kenya somalidu call box bay u yaqaanin sidasoo oo ay tahay wuxu jecel yahay bu ku hadla isagoon ka fiirsan wa faisal ali waraabe oo kale . Inkasto isagu somalinimadu ku dheertahay . Hadana waxba qaldan oromada wax la isku so ciyaarsiyo maha. Oromodu wa wax liita anigu qawmiyadaha east Africa iyaga ayaan Aad uga so horjeeda sababto ah itoobiyada la sheego oromoday isticmaasha askar iyo wax walba. Oromada wax dhiig ooo inaga dhexeyo ma jirto farax macalin na wuxu u bahanyahay Caqil celin lixdan jir caqliga yar. Anigu waligay ma arag
Dr Zackovich
Sidaad hore u tiriba, nacasyadaa nagu badan. Bal ka waran, Itoobiyadan kuwa badan oo siyaasiyiin iyo madaxweynayaal isku sheegaya ay maanta walaaleysanayaan, Faarax Macalinna leeyahay qaarkood (Oromo) waaba Soomaali, miyaaney aheyn tii aynu shalay la dagaalamaynay oo intaas oo qof ay nagaga dhinteen, oo uu ku jiro abtigay laxmi ah oo markaa ahaa captain hogaaminayey urur artillery, oo qaarkood ay wali curyaan u yahiin oo isbital Xamar ku yaal oon daryeel haboon lahayn u dhex jiifaan, oo qaar u gablameen, qaar kalena u agoomoobeen oo xittaa maanta aan garaneyn sidii uu aabahood u ekaa, oo iyagoo aad u yar amaba weli uur ku jira uu dhacay dagaalkii (1977/78), ileyn wax kaamerooyin waagaa lahaana Soomaaliya way ku yaraayeen, oo uu waddanku u burburay, ileyn Soomaaliya burburkeedu run ahaantii wuxuu bilowday markii laga soo laabtay dagaalkii. Sidoo kale miyaanay ahayn tii aynu dhul isku heysannay oo ilaa iyo maanta aan xal wali laga gaarin, oo intaa xasuuqeysay oo ku tumaneysey Soomaali Galbeed. Miyaaney ahayn tii la wada og yahay tacadiyaddii ay shaley ka geysatay Xamar.
Isku soo boodkan aan laga fiirsaneyn waxaan u arkaa doqonimo iyo maangaabnimo aan u weyn, oo waliba godob lagaga galayo khaasatan kuwii dagaaladii ku nafbeeley, kuwii ku soo curyaamay oo wali maanta isbital ku sheeg u dhex jiifa, kuwii u gablamay, kuwii u agoomoobay oo aan waligood xittaa arag aabahood, iyo kuwii uu guurkoodii ku baaba'ay intaba.
Ma wax baa lagula heshiiyey Itoobiya intaan la isku soo boodin oon la is walaaleysan? Waa maya. Miyaa laga hadlay dhulkii ay Itoobiya naga haysatay oo ay walina naga haysato ee laba dagaal (1964, 1977/78) loo galay? Waa maya.
Waxaan anigu qabaa ugu yaraan in ilaa inta si qaabaysan looga hadlayo dhulka ay Itoobiya naga haysato oo aan wax cad la isku ogaan, dabcanna ay Soomali Galbeerd ay horseed u yihiin, oo aysan Itoobiya ogolaan in reer Soomaali Galbeed ay u madax banaan yihiin inay goortay doonaan ay Soomaaliya ku soo biiri karaan ama goonni isu taagi karaan, oo aan laga hadal tacadiyadii Itoobiya ay geysatay, ha noqdaan kuway u geysatay Soomaali Galbeed ama ay ka geysatay Xamar (na ma qanciso TPLF ayaa geysatay), oo aan la dhayn boogihii, oon la abuurin kalsooni laba geesood ah, in aanay Soomaaliya waxba ku darsan Itoobiya, aan ka ahayn deris wanaag ku wada noolaansho iyadoo la raacayo xeerarka aduunka u yaal.
Waxaan sidoo kale qabaa in xittaa marka intaas la xaliyo aan wali la gaarin isku soo bood, saaxiibtinimmo, iyo waxwadaqabsi, is walaaleysi isagu warkiisa daa, ilaa iyo inta uu wadan walba ka soo dhalaalayo arimihiisa gudaha..
Hadda ka hor ayaan Cabdi Iley ka maqlay markii iigu heoreysay isagoo leh, Faarax Macalin waa callbox. Runtiina wuu u eg yahay markaan dib u jaleeco wxayaabo uu sameeyey.